Haddii aad u baahan tahay in laguu turjumo qayb boggan ka mid ah, fadlan soo wac Rosalind Grozier, Sarkalaka Isgaarsiinta: 020 8607 0886.
Xarunta Adeegga Macaamiisha: 0800 358 7767 (LACAG LA’
AAN)
Moobaylkana waxaad ka soo wici kartaa: 020 8607 7767 (khadkan ayaa laga yabaa inuu kuu lacag jaban yahay)
8am – 6pm Insiin ilaa Jimce
DAYACTIRKA – Riix 1
Dhammaan dayactirrada (dadka degaanka)
Dayactirrada goobaha dadweyne (dadka kirada ku jira)
Dhammaan hagaajinta, xadiiqadda iyo nadaafadda
LACAG BIXINTA TELEFOONKA OTOMATIKADA AH - Riix 2
24 saac maalintii, 7 maalmood usbuucii
Waxaad u baahaynaysaa:
- Kaadhka daymaha bankiyada lagu qaato/kaadhka bankiga
- Cadadka lacagta aad bixinaysid
- Kaadhka lacag bixinta TVH
DHAMMAAN SU’AALAHA KALE- Riix 3
Oo ay ku jiraan khidmadaha kirada, degganaanshahaaga guri/ama kirada aad ugu jirtid, talooyinka gunnooyinka, akhlaaqda bulshada ka baxsan, guryo kala beddelashada, iwm.
DAYACTIRRADA DEGDEGGA AH (KELIYA), SAACADAH KA BAXSAN SHAQADA
0800 358 7767 kadibna riix 1
Haddii aan otomaatik laguugu gudbin khadka xaaladaha degdegga ah, wac
01707 290 219
Macaamiisha keliya – Hubinta Gaaska ee Sannadlaha
Waxaa sharci ahaan nalooga baahan yahay inaan sannad kasta hubin ku samayno qalabka gaaska ee kuugu jira. Qalabka gaaska ee cilladaysani waxay keeni karaan sunta qaaca kaarboonka oo kugu baxa oo keeni karta dhimasho.
Waxaan kuu soo diri doonaa ballan. Haddii aadan ballanta xajin karin, waa inaad la xiriirtaa qofka hubinaya gaaska oo laga helo 0800 917 9306 si ballan kale aad u dhigatid.
Haddii aad diidid hubinta gaaska, waxaa loo arkayaa ku xadgudub qandaraaska deggananaanshaha, waxaana la qaadayaa tallaabo sharci ah oo suurtogelisa gelitaanka guriga. Waxaa lagugu soo dallacayaa wixii kharash ah ee la galo.
Waraaqo xusuusin ah ayaa si joogto ah laguugu soo diri doonaa ilaa inta kormeerista iyo hubinta gaaska laga dhammaystirayo.